Boosaaso: Shaqsiyaad xukun loogu ridday kicin dadweyne

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda darajadda koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Axad ah waxay soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah shaqsiyaad lagu eedeeyay kicin dadweyne.

Eedeysaneyaasha kiiskooda go'aanka laga gaarey ayaa kala ah; Muuse Cali Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe, Cawad Aadan Maxamed, Cabdi Casiis Bayadhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble.

Xukunka lagu riday shaqsiyaadkan ayaa isugu jira Xabsi iyo Ganaax Lacageed, sidda uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda.

Muuse, Cabdullaahi iyo Cawad ayaa lagu ganaaxay aduun lacageed oo dhan $500 [Shan boqol oo Doolar-ka Mreykanka ah].

Cabdicasiis iyo Maxamuud ayaa lagu riday laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,000 [Kun Doolar-ka Mreykanka ah].

1-dii Janaayo, 2020, xukumaneyaasha ayaa markii ugu horeysay waxay kasoo muuqdeen fadhiga maxkamadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragelin siyaasadeed ku hayso arrimaha qaar kamid ah maamul goboleedyadda, taasoo la sheegay in ay jahwareer ku abuurtay shacabka goboladaas.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM