Boosaaso: Shir laga yeeshay la dagaalanka falalka amni daradda

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar.

BOOSAASO, Puntland – Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Isu-duwayaasha Wasaaradaha Dawladda ee Gobolka Bari. Kulankan, oo qayb ka ah socdaalka ballaaran ee wefdigu ku marayaan gobollada Karkaar, Bari, iyo Raascasayr, ayaa waxaa ka qeyb-galay 17 Isu-duwe oo ka kala socday Wasaaradaha Dawladda iyo Xisaabiyaha Gobolka Bari.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo suggidda amniga ee Gobolka Bari.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda adeegyada dowladda ee gobolka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo shaqeeyo si loo xoojiyo fulinta adeegyada bulshada iyo la dagaalanka falalka amni-darrada ah. Sidoo kale, Isu-duwayaasha iyo wefdiga ayaa isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dawladda si loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, korontada, waxbarashada, iyo biyaha.

Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kuwa amniga, iyagoo balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan masuuliyiinta deegaanka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo guulaha la higsanayo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo ku hawlan qiimeynta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo isku-xirka bulshada iyo dowladda si loo abuuro jawi horumarineed oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM