Bosaso: afar qof oo isku qoys ah oo ku geeriyoodey dab

Image

July 12, 2015 (GO)- Afar qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa ku geeriyoodey dab maanta qabsaday guri cooshad ka sameysan oo ku yaalla kaamka barakacayaasha 55-aad ee magaalada Bosaso.

Afarta qof ayaa kala ahaa aabe, hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhaleen. Lama oga sababta dabka dhalisay, waxaana socda baaritaan ay booliska degmadu wadaan.

Shilal noocan ah ayaa dhowr mar oo hore magaalada Bosaso ka dhacay, waxaana inta badan loo sababeeyaa guryaha dadka soo qaxay deggen yihiin oo cooshado ka sameysan una nugul dabka.

April 16, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale labo carruur ahi ugu dhinteen dab qabsadey kaamka barakaceyaasha ee Buulo-Mingis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM