Bosaso: Al-shabab oo weerar kusoo qaadey saldhiga Baalade

Image

February 3, 2015 (GO)- Al-shabab ayaa caawa weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal xaafada New Bosaso ee magaalada Bosaso.

Iska hor imaad xooggan oo soconayey muddo nus saac ah ayaa dhex maray ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha, haseyeeshee saraakiil ka tirsan booliska ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in weerarka lagu gubey mid kamid ah gaadiidka ciidamada booliska islamarkaana hal askari dhaawac culus soo gaarey..

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta Al-shabaab hoobiyeyaal aan khasaare geysan ku garaacdey fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Galgala.

Isla gelinkii hore ee maanta waxaa magaalada Gaalkacayo qarax lagula beegsaday gaari uu watey xisaabiyaha wasaarada maaliyada ee gobolka Mudug Gaadayare waxaa sidoo kale caawa toogasho lagu diley guddoomiyihii xaafad ka tirsan Garsoor ee magaalada Gaalkacyao Maxamuud Diiriye Bidaar.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM