Bosaso: carruur ku dhimatey dab qabsadey kaamka Buulo Mingis

Image

April 16, 2015 (GO)- Labo qof ayaa ku geeriyoodey mid kalena wuu ku dhaawacmey dab maanta qabsadey guri ku yaalla kaamka barakaceyaasha Buulo Mingis ee magaalada Bosaso.

Dadka dabkaas ku waxyeeloobey ayaa ahaa saddex ilmood oo isku hal qoys kasoo wada jeeda.

Guddoomiyaha kaamka Buulo Mingis Siid Cali Nuur ayaa u sheegay Garowe Online in carruurta gubatey hooyadood guriga ku xirtey kadibna suuqa aaddey.

Guddoomiyuhu ma sheegin sababta dabka keentay, waxase loo badinayaa in carruurtu isku gubeen taraq guriga dhexdiisa yaalley.

Xaaladda caafimaad ee cunugga dhaawaca ah ayaa aad looga dayrinayaa, waxaana xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Bosaso.

Shilal noocan ah ayaa dhowr mar oo hore magaalada Bosaso ka dhacay, waxaana inta badan loo sababeeyaa guryaha barakaceyaashu deggen yihiin oo cooshado ka sameysan una nugul dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM