Bosaso: Gaas oo kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

November 29, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Bosaso. Goobaha Madaxweynuhu tegey waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha, xarunta taliska booliska gobolka Bari, xarunta ciidamada nabadgelyada jidadka (Taraafikada)  iyo weliba saldhigga dhexe ee booliska degmada.

Ugu horeyn wuxuu booqday garoonka Bender Qaasim isagoo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda garoonka dhiseysa ee CCECC. Madaxweynuhu wuxuu injineerada hawsha gacanta ku haya ku booriyey inay shaqada si dhaqso ah ku bilaabaan sanad gudihiisna kusoo gaba gabeeyaan.

Mudadii uu garoonka ku sugnaa wuxuu sidoo kale mid mid u kormeeray dhammaan qaybaha uu garoonku ka kooban yahay, gaar ahaan xafiisyada socdaalka, goobaha lagala socdo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha iyo weliba cimilada.

Intaas kadib Cabdiweli Gaas wuxuu kormeeray xarunta taliska booliska gobolka Bari, saldhigga dhexe ee booliska degmada iyo weliba xarunta ciidamada nabadgelyada jidadka (Taraafikada).

Ugu dambeyntii wuxuu soo indho indheeyey dhul dowladdu leedahay oo ku yaala inta u dhexeysa saldhigga dhexe ee booliska Bosaso iyo xarunta taliska booliska gobolka Bari, dhulkaas oo cabirkiisu yahay 300m oo labo jibbaaran waxaa xiligan deggen tobanaan qoys oo ku habsadey markii dowladdii militerigu dhacdey.

Gaas oo shalay isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa Bosaso soo gaareen, wuxuu sheegay in muddo todobaad ah uu sii joogi doono una kuur geli doono ammaanka iyo weliba mashaariic horumarineed oo degmada ka socda kuwaasoo dhismaha garoonka diyaaraduhu ugu muhiimsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM