Bosaso: Madaxweynaha Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed

Image
Image
Image
Image

May 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey  qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Bosaso.

Goobaha Madaxweynuhu tegey waxaa kamid ah  xarunta Wasaaradda Maaliyadda  ,xarunta maamulka gobolka Bari iyo xarunta maamulka degmada Bosaaso .

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii uu ugu  kuur geli lahaa habsami u socodka shaqo ee xarumaha dawladda.

Madaxweyne Gaas ayaa dhammaan xarumaha uu booqday indha indheeyey , waxaana uu madaxda iyo shaqaalahaba ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay in qofkasta lagula xisaabtamayo howsha loo idmaday loogana baahan yahay firfircooni dheeri ah .

Gaas ayaa markii uu soo gebagebeeyey kormeerka waxaa uu saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyada ee Boosaaso, waxana uu sheegay in kormeerkii uu maanta sameeyey kusoo dhamaadey isagoo intaas ku daray inuu warbixino la xiriira habka ay u socoto shaqadu kasoo dhagaystay madaxdii iyo shaqaalihii uu la kulmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM