Bosaso: maxkamadda ciidamada oo lix qof dil ku xukuntey

Image
Image
Image
Image

November 17, 2014 (GO)- Todoba qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal ammaanka lid ku ah oo laga geystey Puntland ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan. 

Eedaysaneyaasha oo dhammaantood rag ah waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Maxamed Cabdi Olol, ina Tiriig Maxamed, 22jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
  2. Xaajow Shiikh Nuur, ina Maleeka Shaandhey, 22 jir ah, ku dhashay Mareerey.
  3. Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
  4. Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.
  5. Maxamuud Aadan Ducaale, ina Faadumo Saleebaan,  21jir ah, ku dhashay Burco.
  6. Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.
  7. Saacid Aadan Cabdulle, ina Xabiibo Axmed 32 jir ah, ku dhashay Gallaadi.

Kadib markii maxkamadu dhegeysatay eedda xeer ilaalinta, difaaca qareemada iyo qiraal qaar kamid ah eedeysaneyaashu maxkamada horteeda ka sameeyeen, waxaa xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan. 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in lix kamid ah eedaysaneyaashaas lagu ridey xukun dil ah islamarkaana ay haystaan muddo soddon beri ah si xukunka ku dhacay ay rafcaan uga qaataan. Lixda eedaysane ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah:

  1. Maxamed Cabdi Olol, ina Tiriig Maxamed, 22jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
  2. Xaajow Shiikh Nuur, ina Maleeka Shaandhey, 22 jir ah, ku dhashay Mareerey.
  3. Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
  4. Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.
  5. Maxamuud Aadan Ducaale, ina Faadumo Saleebaan,  21jir ah, ku dhashay Burco.
  6. Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.

Eedaysanaha todobaad oo lagu magacaabo Saacid Aadan Cabdulle dib ayaa xoriyaddiisa loogu soo celiyey kadib markii wax dembi ah lagu waayey. Maxkamadda waxaa sidoo kale maanta la hor keenay labo askari oo lagu kala magacaabo Dable Cabdulaahi Nuur Yuusuf iyo Dable Ayuub Cali Ismaaciil. Labada askari oo ka tirsan ciidamada badda kuna eedeysan in qof rayid ah dileen xukunkooda dib ayaa loo dhigay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag waxay laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan xukuntay in ka badan 30 qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab, dadkaasoo qaarkood xukuno kala duwan lagu ridey qaar kalena dib xoriyadooda loogu soo celiyey kadib markii wax dembi ah lagu waayey. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM