Bosaso: niman khamri lagu soo qabtay oo la xukumay

Image

October 13, 2014 (GO)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari waxaa maanta la horkeenay saddex nin oo ku eedeysnaa inay maandooriyaha khamriga ka ganacsanayeen.

Saddexda nin ciidamada booliska ayaa shan beri kahor kantaroolka magaalada Bosaso ku qabtay xilli ay 45 dhalo oo khamri ah doonayeen inay qaab qarsoodi ah kusoo geliyaan magaalada Bosaso.

Maxkamaddu waxay midkiiba ku xukuntay xarig mudadiisu tahay hal sano, mana ahan markii ugu horeysey ee dad khamri lagu soo qabtay maxkamadda derejeda koowaad ee gobolka Bari xukunto.

Taliska ciidamada booliska Bari ayaa bishan October horraanteedii shaaciyey in boolisku laban laabi doono hawlgallada lagula dagaalamayo maandooriyaha khamriga oo khatar ku ah anshaxa suuban iyo ammaanka bulshada labadaba.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya xilli sidan oo kale maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland  xukuno kala duwan ugu ridey lix qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal amaan darro ah oo Puntland laga geystey.

Khamriga oo ah maandooriye xaaraan ah marka laga eego dhanka sharciga Islaamka aadna u dhibaateeya nolosha qofka caba iyo bulshadaba, wuxuu badankiisu Soomaliya uga yimaadaa dalalka deriska ah gaar ahaan Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM