Bossaso: Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland oo lagu weerarey Bam gacmeed

Image

BOSSASO, Puntland- Koox dabley hubeysan ah ayaa fiidnimadii habeenkii xalay Feb 26,2017 weerartey ciidamo Booliska ah oo jidgooyo u taaley wadada hormarta warshadii hore ee Netco halkaasoo ay ku dhaawacmeen Afar Askari.

Ciidamada Booliiska ayaa rasaas badan ridey kadib markii Bamkaas lagu soo tuurey iyadoo aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo u gaysatey tacshiiradaas dhacdey.

Weerarkaan ayaa yimid 24 saac kadib markii ciidamada amaanka Puntland xabsiga u taxabeen Cabdulqaadir Axmed Xarago kadib markii wareysi uu siiyey Idaacada VOA kaga hadlay in Jirdil loo gaystey dhalinyaro lagu soo eedeeyey Iney qayb ka ahaayeen dilal  magalada Bossaso ka dhacey.

Xariga Cabdulqaadir Axmed Xarago ayaa waxaa uu sababey in dhalanyaro kamid ah tageerayashiisa ah dibadbaxyo ka sameeyaan xaafad ka tirsan magaalada Bossaso.

Dowlada ayaa ciidamo gaysey xaafadaas iyadoo weli jirin wax war ah oo kasoo baxay dowlada Puntland iyo hay'adaheeda amaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan magalaada Bossaso iyadoo dhinaca ku sugan yihiin gudoomiyaha Barlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM