Bulshada rayidka ah ee Puntland oo diidey 4.5

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa xarunta PDRC ee magaalada Garowe maalintii shaley Feb 9,2016 kulan ku dhexmarey waftigii beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah ee Puntland kuwasoo qoraal u gudbiyey ergeyga Qaramada Midoobey u qabailsan Somalia.

Kulankaan oo saxaafada dibada ka joogtey ayaa wararka sheegayaan in waftiga beesha caalamka ee uu hogaamniyo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabislan arrimaha Somalia halkaas ku dhageysteen aragtida buslhada rayidka ah ee ku aadan qaabka doorasho ee Somalia.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in wadahadal socdey muddo laba saacadood bulshada rayidka ee Puntland ay qoraal u gudbisay waftiga beesha caalamka kaasoo xusayey diidmo ah in nidaamka 4.5 aan lagu soo xuli karin Barlamanka Federaalka islamarkaana ay aaminsan yiihiin in doorasho sax ah lagu gaari karo iyadoo degmooyin lagu saleeyo xulashada aqalka hoose ee xildhibanaada Somalia.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagaga codasadey in beesha caalamka dhexdhexaad ka noqoto arrimaha Somalia islamarkaana tageerin go'aamada dhinaca kaliya ah kuwasoo ka imaanaya madaxda dowlada Federaalka.

Waftiga beesha caalamka ayaa la filayaa in labada maalmood ee soo socda kulamo la yeeshaan siyaasiyiinta, isimada iyo golayaashada dowlada ee Puntland kuwasoo  dhagseysanaya fikirkooda ku aadan qaabka doorasho ee Somalia.

Beesha caalamka ayaa tageertey qaabka doorasho ee 4.5 kaasoo madaxweyne Xasan Shiikh sheegey inuu yahay midka kaliya oo lagu sameyn karo xulshada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia sanadkaan dabayaaqadiisa.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira kulanka beesha caalamka iyo qaybaha kala duwan ee buslahada Puntland.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM