Bulshada Rayidka Puntland oo taageeray go’aamada Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Bulshada Rayidka Puntland iyo PDR ayaa taageeray go'aanka Issimada SSC-Khaatumo.

GAROWE, Soomaaliya - Xarunta horumarinta iyo Baarista Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maanta kaga hadlay mawqifkooda ku aadan go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ee kaga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

Madasha ayaa daraaseysay 3 soo jeedin oo kala ah:

1- Doorashada ayaa la qaban doonaa January 8, 2024, iyadoo la dooranayo 49 xildhibaan, iyadoo aysan ka soo qaybgelin 17 wakiil oo ka socda SSC-Khaatumo.

2- In doorashada dib loo dhigo inta xal la isku raacsan yahay laga gaarayo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo.

3- 66 Xildhibaan ayaa la soo xulan, qaabka loo soo xulayna lama cadeyn.

Intaas ka dib, waxa ay isku raaceen taageerida g’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, doorashadana waqtigeedii ku dhacdo si nabad ah, islamarkaana 49 Mudane ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM