Buugga Sahanka Caafimaadka Puntland oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland.

Buuggan oo ay muddo labo sano ah ka wada shaqeynayeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Caafimaadka, wuxuu soo bandhigayaa xogta caafimaad, sida cudurada ka jira Puntland, talaalada loo hayo, da’aha dadka Puntland, tirada dadka reer guuraaga ah, tirada lab iyo dhedig iyo dhammaan xogaha arrimaha Bulshada oo lagu muujiyay boqoley.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay in la helo Buuggan oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee lasoo saaro burburkii kadib, waxaana uu qeyb ka qaadanayaa in qorshaha Dowladda ee waxqabad dhinac walbo lagu jaangooyo baahiyaha iyo xogta buuggan uu xambaarsan-yahay.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM