Buugga Sahanka Caafimaadka Puntland oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland.

Buuggan oo ay muddo labo sano ah ka wada shaqeynayeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Caafimaadka, wuxuu soo bandhigayaa xogta caafimaad, sida cudurada ka jira Puntland, talaalada loo hayo, da’aha dadka Puntland, tirada dadka reer guuraaga ah, tirada lab iyo dhedig iyo dhammaan xogaha arrimaha Bulshada oo lagu muujiyay boqoley.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay in la helo Buuggan oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee lasoo saaro burburkii kadib, waxaana uu qeyb ka qaadanayaa in qorshaha Dowladda ee waxqabad dhinac walbo lagu jaangooyo baahiyaha iyo xogta buuggan uu xambaarsan-yahay.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM