Caasho Geelle oo faah faahisey sababta ay isu casishey [DHEGEYSO]

Image

May 6, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee guddiga dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Dowladda Federaalka, Caasho Geelle Diiriye, ayaa shir-jaraa'id oo magaalada Galkacayo ay ku qabatey ku faah faahisey sababaha ku kallifey inay xilkaas iska casisho.

Caasho waxay sheegtay inay go'aankan qaadatey kadib markii ay qiimeysey arrimo badan, qodobada ay sida gaarka ah farta ugu fiiqdeyna waxaa ugu muhiimsanaa:

  • In muddada kooban ee hartey aan lagu soo diyaarin karin dastuur dhammeystiran oo raali lagu wada yahay.
  • U heellanaan la'aanta in la helo dastuur qaran oo aan ka hor imaaneyn dastuurrada dowladaha qaybta ka ah federaalka.
  • Inaan mudnaan la siin qorshe fiicanna laga yeelan dhameystirka dastuurka.
  • Xubnaha guddiga dib u eegista dastuurka oo aan shaqada diyaar u ahayn.
  • Faragelin lagu sameeyey shaqada  guddiga.
  • Iyo dhaqaalihii guddigu ku hawlgeli lahaa oo la waayey.

Is-casilaadda Caasho Geelle ayaa kusoo aadeysa xilli waqtiga u harsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyaa gabaabsi yahay, ilaa iyo haddana wax tallaabo ah loo qaadin dhanka dib u eegista dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM