Xildhibaan Burhaan: dowladu ha bixiso mushaharaadka

Image

January 13, 2015 (GO)-  Xildhibaan Burhaan Aadan aw-Cabdi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa si kulul uga hadlay cabashada la xiriirta mushahar la'aanta ee kasoo yeereysa shaqaalaha Dowlada Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyey Wasaarada Maaliyada inay mas'uul ka tahay mushaharaadka la waayey, maadaama aysan xil iska saarin bixinta xuquuqda shaqaalaha dowladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhaqaale badan ayuu sheegay inuu dhanka cashuuraha kasoo galo dowladda sidaas darteedna khasab tahay in dakhliga si hagaagsan loo maareeyo. 

Burhaan ayaa sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in xubnaha Goleyaasha Wasiirada iyo Barlamanku mushaharaadkooda si joogto ah loo siiyo iyadoo shaqaalihii kale gaar ahaan ciidamada furimha ku jiraa qatan yihiin.

Ugu dambeyntii Xildhibaanku wuxuu sheegay inay iyagu bulsada wakiil ka yihiin xaqna u leeyihiin inay ka hadlaan cabashooyinka ka imaanaya dadka soo doortay, isagoo intaas raaciyey in badi xildhibaanada Barlamanka Puntland garowsan yihiin dhibka jira isku fikirna ka yihiin in dowladu ka gaabisay bixinta mushaharaadka.

Hadalka xildhibaan Burhaan aw-Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli shaqaalaha dowladda qaarkood gaar ahaan ciidamadu wax mushaharaad ah qaadan muddo sideed bilood ah.

GAROWE OLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM