Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan oo ka qayb-gelidoona Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM