Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan oo ka qayb-gelidoona Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM