​Cabdiraxmaan Farole oo hambalyeeyay doorashada Farmajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Cabdiraxmaan Farole oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare Somalia islamarkaana kamid ahaa raggii xilka Madaxweynaha Somalia isu-taagay kahor intuusan tanaasulin maalin ka hor ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday xarunta Afesiyoone ee magaalada Muqdishu.

Farole, ayaa hambalyo u diray guusha uu Farmaajo ka gaaray doorashadii uu la galay murashaxiin ay kamid ahaayeen kuwii ku bahoobay is-badal doonka.

Wuxuu alle uga baryay inuu ku guuleeyo xilka culus ee u qaaday umadda Somaliyeed xilli uu muqaal kooban ku baahiyay bartiisa xiriirka bulshada.

"Waxaan halkan tahniyada iyo hambalyo uga dirayaa mudane Farmaajo oo aan leeyahay alle ha kugu guuleeyo xilka aad qaaday, kolay wararka nasoo gaaraya waxay sheegayaan in meelo badan dabaal dagyo ka dhaceen, waxaana ka rajaynaynaa inuu shaqada sidii looga baahnaa uga soo baxo, anaguna waan la shaqaynaynaa," Sidaas waxaa yiri Farole.

Hambalyada Farole ayaa kusoo aaday xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Somalia doorasho waqti badan qaadatay oo ilaa maanta kasocotay magaalada Xamar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM