Cabdisamad Gallan oo waraysi bixiyay [Dhagayso]

Image

BOSASO- Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan gadoodkiisa iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamadan ee muddooyinkii dambe ka waday qaybo kamid ah gobolkaasi.

Gallan oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa kawaramay meesha uu joogo iyo sababta ku kaliftay inuu aruursado ciidamo dabadeedna kasoo horjeedsado xukuumadda madaxweyne Gaas, wuxuuna sheegay inuu joogo meel 50KM u jirta laamiga isku xira Qardho iyo Bosaso.

Guddoomiyihii hore gobolka Bari, ayaa tilmaamay in jirto sabab keentay Gadoodkiisa, wuxuuna ku sifeeyay siyaasad xumo kajirta xukuumadda madaxweyne Gaas iyo fashil soo food saaray arrimihii loo igmaday, isagoo xusay inuu yagleeyay ciidamo uu ugu yeeray inay difaacayaan badda iyo barriga Puntland.

Wuxuu xusay inuusan wax dhibaato ah ku hayn shacabka Puntland isagoo caddeeyay in ciidamada uu hogaamiyo u yagleelin dhibaataynta shacab ee u sameeyay sidii uu dalka ugu difaaci lahaa.

Mudane Gallan, ayaa hadalkiisa raacshay inay jirto sabab kale oo duurka u saartay, isagoo sheegay in gurigiisa Bosaso lagusoo weeraray taasina u sahashay inuu helo ciidamo daacad u ah.

Waraysiga Gallan ee BBC, ayaa kusoo aaday xilli Idaacadda Daljir hawada uga maqantahay, waraysi ay la yeesheen mas'uulkaasi gadoodsan,  balse lama oga tallaabada xukuumadda Puntland ka qaadi doonto  Laanta Afka Soomaaliga ee BBC inkastoo uusan jirin Wakiil wareed u jooga deegaanada Puntland, maadaama ay horay u mamnuuceen in waraysi lala yeesho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM