Cabdisamad Gallan oo waraysi bixiyay [Dhagayso]

Image

BOSASO- Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan gadoodkiisa iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamadan ee muddooyinkii dambe ka waday qaybo kamid ah gobolkaasi.

Gallan oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa kawaramay meesha uu joogo iyo sababta ku kaliftay inuu aruursado ciidamo dabadeedna kasoo horjeedsado xukuumadda madaxweyne Gaas, wuxuuna sheegay inuu joogo meel 50KM u jirta laamiga isku xira Qardho iyo Bosaso.

Guddoomiyihii hore gobolka Bari, ayaa tilmaamay in jirto sabab keentay Gadoodkiisa, wuxuuna ku sifeeyay siyaasad xumo kajirta xukuumadda madaxweyne Gaas iyo fashil soo food saaray arrimihii loo igmaday, isagoo xusay inuu yagleeyay ciidamo uu ugu yeeray inay difaacayaan badda iyo barriga Puntland.

Wuxuu xusay inuusan wax dhibaato ah ku hayn shacabka Puntland isagoo caddeeyay in ciidamada uu hogaamiyo u yagleelin dhibaataynta shacab ee u sameeyay sidii uu dalka ugu difaaci lahaa.

Mudane Gallan, ayaa hadalkiisa raacshay inay jirto sabab kale oo duurka u saartay, isagoo sheegay in gurigiisa Bosaso lagusoo weeraray taasina u sahashay inuu helo ciidamo daacad u ah.

Waraysiga Gallan ee BBC, ayaa kusoo aaday xilli Idaacadda Daljir hawada uga maqantahay, waraysi ay la yeesheen mas'uulkaasi gadoodsan,  balse lama oga tallaabada xukuumadda Puntland ka qaadi doonto  Laanta Afka Soomaaliga ee BBC inkastoo uusan jirin Wakiil wareed u jooga deegaanada Puntland, maadaama ay horay u mamnuuceen in waraysi lala yeesho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM