Cali Ciise oo Garowe kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweyne [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dr Cali Ciise Cabdi ayaa Garowe uga dhawaaqay shalay oo axad ahayd inuu yahay musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland, kana qeyb gali doono doorashada la filayo inay dhaco 9-ka January ee 2019.

Munaasabad ka dhacay Garowe, ayuu Dr Cali Ciise ku shaaciyay musharaxnimadiisa, isagoo sameeyay balan-qaadyo dhowr ah, hadii uu ku guuleysto kursiga Madaxweynaha uu fulin doono kuwaasoo ugu horeeyaan amniga iyo dhaqaalaha.

Waxa uu caddeeyay inuusan ku socon dano shaqsiyadeed, oo musharaxnimadiisu tahay mid isaga kasoo go'day, waxaana uu sheegay inuu wax ka qabn doono dhibaatooyinka kala duwan ee xilligan ka jira Puntland, ee laga dhaxlayo Xukuumadda Gaas.

Dr. Cali Ciise Cabdi, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu kasoo shaqeeyay hay'addo maaliyadeed, oo uu ku jiro bangiga dhexe ee Soomaaliya, isagoo kamid ahaa xubnihii Gollaha Dhaqaalaha Qaranka, ee uu Farmaajo magacaabey August, 2018.

Musharaxa ayaa kasoo jeeda gobolka Sool, gaar ahaan degaanada Xayeesimo waxaana uu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatey Sool, Sanaag iyo Sheekh, isagoo waxbarashada heerka sare ku dhameystay Jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka.

Dr Cali Ciise Cabdi ayaa ka yimid dhinaca Muqdisho, isagoo halkaasi mudooyinkii dambe ka shaqeynayay, maadaama uu kamid yahay Gollaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu Madaxweyne Farmaajo magacaabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM