Cali Warsame: Wali kama quusan in uu Deni u turi doono Puntland

Image
Siyaasiga ayaa wuxuu hadalkan wuxuu ka sheegay madasha Twitter-ka ee warsidaha Garowe Online.

GAROWE, Puntland – Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa soo jeediyay in kala saaro dowladnimada Soomaaliya iyo hanka shaqsiga ah si loo dhiso dowlad soo celisa kalsoonida shacabka Soomaaliya.

"Waa in ayno kala saarno dowladnimadeena iyo hankeena shaqsiga ah. Ha noqoto heer maamul ama heer qaran," ayuu ka sheegay madasha Garowe Online Twitter Space.

Warsame ayaa sheegay in hadii aan arintaa wax laga qaban aysan hagaagayn dowladnimada Soomaaliya oo burbursaneed 30 sano ee la soo dhaafay xilligaas oo dalka laga saaray dowladii milatariga eheyd ee Generaal Maxamed Siyaad Barre.

Warsame ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay ay siyaasada Soomaaliya ku soo biireen dad iyaga isku ekaysiinaya dowadimada hadii ay tahay heer Faderaal iyo heer Dowlad-goboleedba.

Cali Xaaji Warsame oo ka hadlaayay doorashooyinka ayaa sheegay in maamuladu ay sameeyeen wax laga xishoodo si ay u soo saartaan shaqsiyaad iyaga daacad u ah.

Warsame, ayaa sheegay in rajo ka qabo in xildhibaanada markii warqadahooda aqoonsiga helayn in ay noqdaan kuwa madax banaan ayna dalka u dooraan qof ka saari kara marxaladaan halista ah.

Soomaaliya ayaa khamiistii ka gudubtay isgoys siyaasadeed oo halis badan ka dib markii la dhaariyayku dhawaad 300 oo sharci dajiye taas oo soo afjartay hubanti la’aantii dowladnimada Soomaaliya.

Doorashada dalka ayaa soo jiitameysay labadii sano ee ugu dambeysay, taasoo loo aaneeyay is qabqabsiga iyo khilaafka xargaha goystay ee marba wejiga cusub yeelanayay doorashooyinka dalka.

Siyaasiga ayaa carabka ku dhuftey in ay madaxwayne Deni "kala xaajoodeen qadiyadda la xiriirta mar-xalada kala guurka ah ee Puntland ay galeyso inta uu u ololaynayo noqoshadda madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya walina aysan ka quusan in uu u turi doono Puntland iyo kasoo kabashada dhacdooyinka ka dhashay xulista Xildhibaanadda".

"Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay siyaasi Cali Xaaji Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM