Cali Xaaji "Qofku dambi malaha ilaa lagu cadeeyo" [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, ayaa ka hadlay xariga sharci darada ah ee lagula kacay Wariye Jaamac Yusuf Jamac Deperani oo ka hawlgala telefishinka Somalichannel qaybta Garowe.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay in nidaamka wax lagu xiray uu ka soo horjeedo dastuurka dalka u yaala, gaar ahaan qodobadiisa 14-aad iyo 22-aad ee xuquuqda hadalka.

Waxa uu tilmaamay hadii qofku khalad galo in lagu soo xiro waaran maxkamadeed ee aan la samayn sida maanta dhacday, taasina horseed ka noqon karto hoos u dhac ku yimaada sumcadda Puntland.

Xaaji, ayaa sidoo khatar ku tilmaamay in awoodda dowladda ku milanto laamaha garsoorka iyo amniga oo loo adeegsado waxyaabaha sharci darada ah.Wuxuu tilmaamay inaan waqtiga looga fadhin xukuumadda Gaas xariga loo gaysto wariye, balse sugayeen in loo gudbo habka asxaabta badan oo madaxweynuhu doorashada ku galay inuu hirgalinayo, waxayna taasi u muuqataa hal bacaad lagu lisay, maadama dalka faraha la sii galayo arrimo dastuurka ka soo horjeeda.

Dadka odorosa siyaasadda, ayaa qaba in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Gaas ku fashilantay hogaaminta dalka oo isaga ka hor marayay heerkii ugu sareeyay ee dowladda Puntland gaarto muddo 17 sano ah, waxaana arrintaasi kalifay musuqmaasuq iyo dadka madaxweynuhu xilka u dhiibtay oo aan lahayn aqoon iyo khibrad ku aadan hogaaminta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM