Camay "Al Saaciduun waa urur Xaaraam ah oo Mamnuuc ka ah Puntland"

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweyne oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa gaashaanka ku dhuftay hishiis dhexmaray ururka Al Saaciduuna Bil Xaq iyo maamulka gobolka Nugal.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Camay oo hareerihiisa taaganyihiin qaar kamid ah golaha wasiirradada Puntland iyo taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in ururkaas uu yahay mid Xaaraam ah  oo dowladdu horay u mamnuucday.

Kulankii dhexmaray guddoomiyaha gobolka Nugal iyo ururkaas ayuu sheegay inuu shaki badan dhaliyay taasna ay ka xunyihiin, wuxuuna ballan qaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa kooxdaas.

Mar uu ka hadlayay farqiga u dhaxeeya ururrada kale ee ka jira deegaanada Somalida iyo Al Saaciduun, ayuu sheegay in kuwani yihiin koox gaalaysiinaysa dadka islamarkaana xaaraam u aragta fikradaha dadka kale.

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay tallaabada maamulka gobolka Nugal uu hishiiska kula galay kooxdaas iyadoo dowladdu mamnuucday, wuxuuna sheegay inaysan garan karin oo su'aalaha qaybtood u baahantahay in Guddomiyaha iyo Generalka la weydiiyo, balse ay dowlad ahaan marnaba ogolaan doonin in hishiis la galaan kooxdan.

Baraha bulshada ayaa aad looga falanqeeyay hishiiska maamulka gobolka Nugal la galay kooxdaas oo gabi ahaanba calaamad cas laga saray guud ahaan Somalia, waana sababta uu Camay ula hadlay warbaahinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM