​Camay oo amar kale soo saaray [Akhriso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo haatan ku sugan degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa soo saaray digreeto kale oo ammaanka ku saabsan taasoo khusayn doonta, baabuurta isaga kala gooshta gobollada maamulkaasi ee qaada dadweynaha.

Amarkan oo maanta soo baxay ayaa dhigaya in la baaro baabuurta rakaabka qaada ee ku dhex safarta gobollada Puntland, waxaana lagu amray baraha kantaroollada inay baaraan islamarkaan liis-gareeyaan dadka saaraan gawaarida ka hor intaan loo ogolaan inay sii wataan socdaalkooda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu amray in laamaha ammaanka loo gudbiyo cid kasta oo aan haysan dammaanad ama la aqoosan waayo.

Waxaa sidoo kale digreetada lagu sheegay in baabuurta rakaabka sida waraaq caddayn ah ka qaataan saldhigga degmada ay ka baxayaan ka hor intaysan aadin goobta ay u socdaan.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu la midyahay midka lagu sugayo ammaanka ee horay u sameeyay baabuurta xumuulka qaada ee isaga kala gooshta Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Qaraxii Galkacyo kadib ayay ahayd markii amar uu soo saaray madaxweyne-kuxigeenka Puntland lagu mamnuucay in gudaha Puntland soo galaan islamarkaana ka baxaan baabuur aan la hubin waxa uu sido iyadoo taasi cabasho ka keeneen ganacsatada iyo maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM