​Camay oo difaacay tallaabada lagu baarayo gaadiidka [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegay in amnigu is-badal ku yimid islamarkaana si wanaagsan u socdo tallaabada lagu adkaynayo xasiloonida.

Camay, ayaa sheegay in dowladdu si dhow ula socoto tallaabada lagu hubinayo gaadiidka soo gala Puntland, isagoo meesha ka saaray inay jiraan tacadiyo loo gaysto.

Wuxuu difaacay tallaabadaas oo la sheegay in amniga lagu adkaynayo, isagoo cid kasta oo walaac ka muujinaysa ugu baaqay inay yimaadaan magaalada Galkacyo islamarkaana idhahooda saaraan sida howsha socoto.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa ku adkaystay in dowladdu arrintan wadayso islamarkaana amnigu yahay muhiimadda koowaad, wuxuuna sheegay in magaalada Galkacyo kasocdo isbadal xooggan kaasoo la xiriira nabadgalyada.

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ka walaacsanyahay tallaabada gaadiidka isaga kala goosha Puntland iyo gobollada Koonfureed lagu hakiyay, inkastoo uusan ilaa hadda ka hadlin.

Dhinaca kale Camay, ayaa sidoo kale xusay in dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo howshiisu meel wanaagsan marayso, xilli uu ka hadlayay munaasabad looga warbixinayay qaabka gargaarka iyo dib u dhiska xaruntaasi caafimaad u socoto.

Wuxuu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen jaaliyadaha dibadda oo ay kamid tahay kuwa dagan Zambia oo lagu ammaanay inay hormuud u yihiin wax  qabashada iyo taakulaynta dadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM