Camey oo diidey go'aankii madaxda maamulada xiriirka ugu jareen DF Soomaaliya [Dhageyso]

Image

GAROWE ( GO) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Camey oo wareysi siiyey Idaacada Daljir ayaa go'aankii madaxda maamulada xiriirka uga jareen dowlada federaalka ka horyimid isagoo sheegey in Madaxweyne Gaas uusan kala tashan arinkaas iskuna ogeyn.

Camey ayaa ku tilmaamey go'aankaas mid wax u dhimaya nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya isagoo xusey ineysan aheyn laga horyimaado Madaxweyne Farmaajo arinkana wadahadal lagu dhameeyo.

Ku xigeenka Puntland oo la waydiiyey ka horimaanshihiisa go'aanka madaxda maamulada gaar ahaan Madaxweyne Gaas tahay arin ku cusub Puntland ayaa difaacey hadalkiisa isagoo sheegey in go'aankiisu kamid yahay waxyaalaha uu u dhaartey.

Cabdixakiim Camey oo wax laga waydiiyey in diidamadiisa go'aankaan ku lug leedahay booqasho uu dhowaan ku tagey magaalada Muqdisho ayaa arinkaas ku timaamey wax kama jiraan isagoo hoosta ka xariiqey in isaga iyo Villa Soomaaliya wax gaar ah aysan ka dhaxeyn.

Dhinaca kale Camey oo la waydiiyey lacagaha DF Soomaaliya xisaab celinta uga rabto maamulda ayaa sheegey inuusan war ka hayn in Puntland lacagtaas heli jirtey islamarkaana aan marna lala socodsiin.

" Wax walba oo uu sheego Camey ee ku saabsan arinkaan ugubka ku ah Puntland waxaa hareeyey kalsooni darada shacabka Puntland ku qabaan Madaxweyne Gaas, gaar ahaan go'aankii soo baxey kaasoo dowlada Jarmalka ku joojisay dhismaha mashruucii dayactirka wadada isku xirta Garowe Galkacayo kaasoo shacabka maamulkaan dagan niyad jab ba'an ku ridey." sidaas waxa GO u sheegey qof dagan magaalada Garowe oo aan wax ka waydiiney sida dadweynuhu u arkey hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ma aha markii ugu horeysey ee Madaxweyne ku xigeenka ka horyimid go'aano iyo heshiisyo Madaxweynaha Puntland la galey shirkado iyo madaxda maamulada Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM