Camey oo tacsi u direy ehelada dadkii ku dhintey Xaramka [Dhagayso]

Image

12 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa tacsi u direy dadkii waxyeelladu ka soo gaartey shilkii ka dhacay masaajidka Xaramka Maka ee dalka Sacuudiga.

Camey waxaa uu sheegay inuu tacsi u dirayo dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay shilkii shalay ka dhacay maasdijka Xaramka, ka dib markii uu soo dumey mid ka mida wishash lagu dhisayay maasaajidka, waxuuna u rajeeyay marxuumiinta in ALLE Xajkooda uga dhigo maqbuuulo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka qayb galay xaflad lagu caleemo saarayay maamulka degmada Garowe oo Caasumadda Puntland ka dhacday.

Ugu yaraan 107 qof ayaa ka dib markii shalay galab uu soo dumay wiish lagu dhisay xaramka xilli kumaanaan muslimiin ah ku jireen masaajidka gudihiisa ee magalada Maka dalka Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM