Caqabad horleh oo soo wajahdey shaqadda Dekadda Boosaaso

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka gadoodsan mushahar la'aan ay xirteen jidadka gala marsada.

BOOSAASO, Puntland - Ciidamo ka cabanaya mushahar la’aan ayaa waxa ay hakad geliyay dhaqdhaqaaqa dekadda magaaladda Boosaaso, sidda goobjoogeyaal u sheegeen Garowe Online.

Askartan ayaa, sida ku xusan xogta ay bixiyeen dadka degaanka, waxa ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee isku-xira marsada gobolka Bari iyo caasimada Garowe. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xuquuqda shaqaalaha rayidka iyo ciidamadda waxa uu u adeegsaday dano gaar ah.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in uu ku maareeyay doorashooyinka goleyaasha degaanka ee khilaafka siyaasadeed uu hareeyay isla markaana dagaalka sababay.

Dekada Boosaaso ayaa ah isha dhaqaale ee Puntland ay ka hesho dakhliga ugu badan waxaana Deni uu intii uu xafiiska joogay waqti badan geliyay sidii shirkada maamusha ugu yeelan lahaa saami.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM