Caqabad horleh oo soo wajahdey shaqadda Dekadda Boosaaso

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka gadoodsan mushahar la'aan ay xirteen jidadka gala marsada.

BOOSAASO, Puntland - Ciidamo ka cabanaya mushahar la’aan ayaa waxa ay hakad geliyay dhaqdhaqaaqa dekadda magaaladda Boosaaso, sidda goobjoogeyaal u sheegeen Garowe Online.

Askartan ayaa, sida ku xusan xogta ay bixiyeen dadka degaanka, waxa ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee isku-xira marsada gobolka Bari iyo caasimada Garowe. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xuquuqda shaqaalaha rayidka iyo ciidamadda waxa uu u adeegsaday dano gaar ah.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in uu ku maareeyay doorashooyinka goleyaasha degaanka ee khilaafka siyaasadeed uu hareeyay isla markaana dagaalka sababay.

Dekada Boosaaso ayaa ah isha dhaqaale ee Puntland ay ka hesho dakhliga ugu badan waxaana Deni uu intii uu xafiiska joogay waqti badan geliyay sidii shirkada maamusha ugu yeelan lahaa saami.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM