​Cawad "Wixii go'aan gaaris ah waxaa iska leh Barlamanka ee Madashu malaha" [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Barlamankii hore ee Somalia hadana ah xubin kamid ah mudanayaasha cusub, ayaa maanta ka hadlay ajandayaal horyaal golaha shacabka iyo waxyaabaha ay go'aan ka gaari doonaan.

Cawad oo ka hadlay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay inay dalka Somalia uu yeeshay Barlamankii 10-aad wixii hadda ka dambeeyana ay leeyihiin talada dadka iyo dalkaba, wuxuuna soo hadal qaaday waxyaabo ay go'aamiyeen Madasha hogaamiyaasha Qaran.

Xildhibaanku, wuxuu mudanayaasha la dhaariyay u sheegay inay kadoodi doonaan maalmaha soo aadan arrimo ay kamid yihiin xeer hoosaadka Barlamanka iyo qabyo qoraalo loo soo gudbiyay, wuxuuna intaas ku daray inay iyagu leeyihiin talada iyo go'aaminta ugu dambaysa.

Wuxuu Madasha uga mahad-celiyay sida ay dalka ugasoo saareen xaaladdi adkayd, balse wuxuu u sheegay inaysan lahay waxyaabo badan oo ay meel mariyeen sida; Lacagta laga qaadayo Murashaxiinta iyo shuruudda ah inay la yimaadaan 20 Xildhibaan, wuxuuna taas badalkeeda cadeeyay inay soo gudbin doonaan tallaabada ku haboon ee lagu xirayo murashaxiinta.

"Wixii go'aan gaaris ah waxaa iska leh Barlamanka ee Madashu malaha, Madasha Hogaanka Qaran door muhiim ah ayay soo qaateen, meel bannaan bayna buuxiyeen waana ku mahadsanyihiin, laakiin wixii ka dambaysa Barlamankan ayaa taladiisa la wareegay, Somaliyana ILAAHAY ka sokow Barlamankan ayaa u taliya,"Sidaasi waxaa yiri Mudane Cawad.

Isagaoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in Murashaxiintii 2012 laga qaday 10 kun oo dollar, balse kuwa doorashada 2017 wixii laga qaadi doono ay iyago go'aamin doonaan.

Hadalka Cawad, ayaa kusoo aadaya xilli arrintan ay aad uga biyo diidsanaayeen murashaxiinta waddanka qaybtood, kuwaasoo u arkayay tallaabadan inay ku danaysan doonaan ragga talada dalka haya oo doorashada Aqallada golaha wakiillada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM