Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Image
Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland

GAROWE, Puntland - Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada badda ayaa hawlgallo ka wada dhammaan xeebaha Puntland.

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland, halkaasi oo lagu qabtay Maxaabiis, Agabyo iyo fashilinta qorsheyaal hor leh oo lid ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida.

Gulufyada ka dhanka ah Burcad Badeedda iyo Falalka kale ee sharciga baalmarsan ayay ciidamadu kaga hortageen qorsheyaal abaabulan oo garabsiinaayey burcadda, doonyo laga shakiyey oo gacanta lagu dhigay iyo kuwo xogtooda la hayo oo lagu raadjoogo.

"Ciidamadu waxa ay u dhiifoonyihiin inay si adag u waajahaan falkasta oo amniga wax u dhimaya, waxa ayna shacabkooda ugu baaqayaan inay ka fogaadaan ku lugyeelashadooda, taas bedelkeedana ay la shaqeeyaan ciidankooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM