Ciidamada Darawiishta Puntland oo qabsadey Bangiga Galkacayo [Dhagayso]

Image

Sep 17, 2015 (GO)- Waxaa maanta gadoodey ciidamada Daraawiishta gobolka Mudug gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay degaanka Godod oo ku taal xadka Puntland la wadaagto Galmudug.

Ciidamadan ayaa la sheegey iney saaka aroortii ku waabiristeen magaalada Galkacayo oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyagoo qabsadey xarunta Bangiga dowlada ee ku taal magaalo madaxda gobolka Mudug.

Xarunta Bangiga ayaa wararku xusayaan in  ciidamadaan weli gacanta ku hayaan iyagoo sheeganaya mushahar gaaraya Todobo bilood halka dhinaca kale qabsadeen dhisme la sheegay in laga dhisayo madaxtooyo kasoo dhowaan laga bilaabey magaalada Galkacayo.

Shaqaalihii goobtaas dhisayey ayaa wararku sheegayaan in ciidamadaan kala eryeen iyaga oo sida GO wararku ku heley tilmaamey iney tahay arin lala yaabo in dhismayaal noocaan ah laga bilaabo magaalada iyadoo xuquudii ciidamada maqan tahay muddo todobo bilood ah.

Cabdinuur Cabdullaahi oo sheegay inuu yahay taliyaha ciidamada gadooday oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inaysan mushahaar helin muddo dhan 7 bilood.

Dowladda Puntland ayuu tilmaamay inay muddo kala hadlayeen say u heli lahaayeen xaqooda, balse la iska dhagatiray.

Waxa uu sheegay hadii ay xukuumadda ka waayaan jawaab inay samayn doonaan tallaabada dantoodu ku jirto, maadama sida uu hadalka u dhigay gacanta ku hayaan goobi hantida dowladdu taallay.

Gadoodka ciidamadaan ayaa ku soo beegmaya xili magaalada uu ku sugan yahay madaxweyne Gaas oo sheegey in Galkacayo laga qabanayo mashriic lagu hurumarinayo xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu booqashooyinka ku marayey degaano kamid ah Mudug ciidamadaan ku booqdey halka la yiraahdo Godod. 

Gadoodkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii magaalooyinka Bosaso iyo Garowe ciidamada Puntland ee ku sugan bilaabeen iney ka cawdaan mushahar la'aan baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM