Ciidamada Itoobiya oo xalay Buuhoodle gudaha usoo galay

Image

March 17, 2015 (GO)- Ciidamada Itoobiya ayaa xalay gudaha usoo galay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Ciidanka oo sida lagu soo waramayo tiradiisu hayd mid kooban wuxuu xadka kasoo tallaabey abbaare 8:00 fiidnimo.

Ujeedada askarta Itoobiya Buuhoodle u yimaadeen ayaa ahayd sidii ay  gacanta ugu dhigi lahaayeen nin looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab oo dugsi qur'aan ku haysta magaalada.

Ninka oo lagu magacaabo Macallin Cabdullaahi, deegaan ahaanna kasoo jeeda gobollada koonfurta waxaa u suuro gashay inuu baxsado kadib markii ardeydiisu dhagxaan iyo buuq kala hortageen askarta.

Rasaas ciidamadu fureen ayaa waxaa ku dhaawacantey hal gabar. Gabadha oo dhaawaceedu ahaa mid sahlan waxaa loo soo qaadey dhanka degmada Garowe.

Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Itoobiya usoo tallaabaan dhanka Puntland si ay u qabtaan qof looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Putland iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeya iskaashi ballaaran oo dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM