Ciidamada Itoobiya oo xalay Buuhoodle gudaha usoo galay

Image

March 17, 2015 (GO)- Ciidamada Itoobiya ayaa xalay gudaha usoo galay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Ciidanka oo sida lagu soo waramayo tiradiisu hayd mid kooban wuxuu xadka kasoo tallaabey abbaare 8:00 fiidnimo.

Ujeedada askarta Itoobiya Buuhoodle u yimaadeen ayaa ahayd sidii ay  gacanta ugu dhigi lahaayeen nin looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab oo dugsi qur'aan ku haysta magaalada.

Ninka oo lagu magacaabo Macallin Cabdullaahi, deegaan ahaanna kasoo jeeda gobollada koonfurta waxaa u suuro gashay inuu baxsado kadib markii ardeydiisu dhagxaan iyo buuq kala hortageen askarta.

Rasaas ciidamadu fureen ayaa waxaa ku dhaawacantey hal gabar. Gabadha oo dhaawaceedu ahaa mid sahlan waxaa loo soo qaadey dhanka degmada Garowe.

Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Itoobiya usoo tallaabaan dhanka Puntland si ay u qabtaan qof looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Putland iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeya iskaashi ballaaran oo dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM