Ciidamada Puntland ee xerada 54aad oo gadoodey [ Dhageyso]

Image

GAROWE Sept 13, 2015 (GO)-  Ciidamo ku xereysan xerada 54aad ee magaalo madaxda dowlada Puntland  ee Garowe ayaa gadoodey saaka kadib markii cirka isku isku shareertay cabasho ay ka muujinayeen mushaharaad la'aan kor u dhaafeysa mudo 8 bilood ah. 

Gadoodkaan ayaa yimid kadib markii uu burburey kulan saaka dhexmarey saraakiisha xerada 54aad iyo maamulka lacagta ciidamada Puntland kuwasoo sheegey ineysan gacan ku hayn mushaharaadkii ay ka dalbanyeen xukuumada.

Wararka ka imaanaya xeradaan ayaa sheegaya in ciidamada rasaasta ka dhacda qoryaha waaweyn fureen taasoo laga maqalayey magaalada halka wararka kale xusayaan in albaabka weyn ee xerada soo xirteen.

Xerada 54 aad oo ku taal duleedka magaalada Garowe ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan ee lagu soo tababarey dalka Ethiopia.

Gadoodkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamo ka tirsan Birmadka ka howlgala magaalada Bosaso kuwasoo dhdibada loo aasey inta uu xilka madaxweyne Cabdiweli Gaas qabtey goosteen bar kontrool oo ku taal magaalada Bosaso.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadu wax ka waydeysey gadoodkaan ayaa beeniyey isaga oo sheegey ineysan jirin ciidamo mushahar la'aan hayso.

Dhinaca kale gadoodka ciidamadaan ayaa kusoo beegmaya xili madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas daabacey lacag Shilin Somali ah oo sharci daro ah taasoo la sheegey ineysan bixin karin inta badan mushaharka loo baahan yahay.

Xogagaal ka war-haya lacagtaan ayaa Garowe online u sheegey in waraaqihii lagu daabaci lahaa lacagtaan noqdeen kuwo gabaabsi kadib markii ganacsatadii maalgalinta laga sugayey ka gaabsadeen iney lacago kale bixiyaan.

Mud. Cabdiweli Gaas  ayaa qorsheynaya in ganacsataan oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland la siiyo lacaga adag ee wasaarada maaliyada ka qabato dekada Bosaso taasoo u sahleysa soo iibsashada qalabka lagu daabacayo lacagahaan.

Dhinaca kale gadoodkaan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweyne Gaas ka maqan yahay Puntland isaga oo ka qayb galaya caleemo saarka madaxweynaha Jubaland kasoo maalintii shaley lagu qabtey magaalada Kismayo.

Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaan isugu imaan muddo Shan asbuuc ah kulan khamiis-la ahaa iyadoo gudaha Puntland ku sugan yihiin labadii mas'uul ee ugu sareeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM