​Ciidamada Puntland iyo kuwa Gallan oo isku dhacay

Image

BOSASO- Wararka aan ka helayno degmada Carmo gobolka Bari, ayaa sheegay in saaka aroornimadii hore dagaal ka dhex dhacay ciidamo katirsan Puntland iyo kuwa ka amar qaata guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana isku dhacaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xiriiro aan la samaynay dadka deegaanka, waxay noo sheegeen in dagaalku ka dhashay kadib markii ciidamo katirsan Puntland oo sahan ahaa kusoo dhawaadeen fariisin uu daganyahay Gallan, waxaana halkaasi la isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo dagaalku koobnaa, hadana wararka aan helayno waxay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinacba ah. Goobjoogayaal ku sugan Carmo ayaa ku waramay inay maqlayeen rasaas waaweyn oo labada dhinacba ka dhacaysay.

Dagaalkan, waxaa ka hadlay Cabdisamad Maxamed Gallan, wuxuuna Idaacadaha Muqdishu mid kamid ah u sheegay in ciidamada Puntland weerar kusoo qaadeen fariisin uu joogay isagoo intaasi raaciyay inay iska caabiyeen islamarkaana u gaysteen khasaaro xooggan.

Gallan ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidkii dagaal ee ay wateen ciidamada Puntland gaar ahaan gaari uu saarnaa qoriga Soomalidu u taqaanno Suuga.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Dagaalkan ayaa lagu soo beegay xilli waxgarad iyo siyaasiyiin ay wadaan waan waan ku aadan xallinta arritan, kuwaasi oo kulamo la qaadanaya y Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Xogta uu helay warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaysa in waxgaradku xiriir la sameeyeen madaxweynaha Puntland oo ku sugan degmada Baydhabo islamarkaana wax ka weydiiyeen inuu ka warhayay weerarka lagusoo qaaday Gallan, balse wuxuu u sheegay inuusan bixin amar ku aadan dagaalka dhacay.

Xaaladda degmada Carmo ayaa haatan dagan inkastoo laga dareemayo abaabul ciidan oo labada dhinacba ah, waxaana dadka deegaanku walaac ka muujinayaan cabsi ay ka qabaan isku dhac dhexmaray dowladda iyo Guddoomiyihii hore gobolka Bari kaas oo muddooyinkii dambe aad u dhaliilayay siyaasadda madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM