Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo la kala qaadey

Image

Dec 5, 2015 (GO)- Kadib markii maanta madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iswaydaarsadeen casumaado, ayaa wararka magaalada Galkacayo ka imaanayaa sheegayaan in lakala qaadey ciidamadii isku horfadhiyey goobihii dagaalladu ka dhaceen.

Wariyaha warsidaha Garowe Online ee ku sugan magaalada Galkacayo ayaa kusoo warramaya in ciidamada Dowlada Puntland la geeyey halka la yiraahdo Abaarey halka kuwa maamulka Galmudug fariisin looga dhigey Bandiiradley.

Talaabadaan ayaa imaaneysa kadib dadaal balaaran oo nabad radain ah oo ay ka sameeyeen magaalada Galkacayo Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, kala rarista ciidamada ayaa timid kadib markii beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey digniin adag u jeedisey madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain ayaa lagu sheegey in aan loo dulqaadan doonin dagaal dambe oo ka dhaca magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM