Ciidamada Puntland oo fashiliyey weerar uga yimid kooxda ISIL

Image
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dhowr askari dhaawacyo fudud soo gaareen intii lagu jiray iska caabinta weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay saaka waaberigii weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Dharjaale oo hoos taga degmada Isku Shuban.

Weerarka oo ay fulinayeen kooxahaas ayaa sababay iska horimaad xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo dagaalameyaasha kamid ahaa kooxda ISIL.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegaya Garowe Online in dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday oo ajaanib ku jireen la laayay, iyadoo xaaladda deegaanka Dharjaale haatan degan tahay.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dhowr askari dhaawacyo fudud soo gaareen intii lagu jiray iska caabinta weerarka.

Weerarkan ayaa yimid iyadoo dhowaan dowladda Puntland ay Ciidamo u dirtay buuraha Bari si ay uga sifeyso kooxaha nabad-diidka ah ee ku dhuumalaysanaya deegaannadaas.

Gulufkan dagaal ayaa lagu bartilmaameedsanayaa goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaas si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo sugidda xasiloonida gobolka.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in howlgallada ay sii socon doonaan ilaa deegaanada buuraha Bari laga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Deegaanada ku dhaw dhulka buuralayda ku yaalla ayaa ah meelaha ay khatarta ku hayaan kooxaha lala dagaalamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM