Ciidamada Puntland oo fashiliyey weerar uga yimid kooxda ISIL

Image
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dhowr askari dhaawacyo fudud soo gaareen intii lagu jiray iska caabinta weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay saaka waaberigii weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Dharjaale oo hoos taga degmada Isku Shuban.

Weerarka oo ay fulinayeen kooxahaas ayaa sababay iska horimaad xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo dagaalameyaasha kamid ahaa kooxda ISIL.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegaya Garowe Online in dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday oo ajaanib ku jireen la laayay, iyadoo xaaladda deegaanka Dharjaale haatan degan tahay.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dhowr askari dhaawacyo fudud soo gaareen intii lagu jiray iska caabinta weerarka.

Weerarkan ayaa yimid iyadoo dhowaan dowladda Puntland ay Ciidamo u dirtay buuraha Bari si ay uga sifeyso kooxaha nabad-diidka ah ee ku dhuumalaysanaya deegaannadaas.

Gulufkan dagaal ayaa lagu bartilmaameedsanayaa goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaas si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo sugidda xasiloonida gobolka.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in howlgallada ay sii socon doonaan ilaa deegaanada buuraha Bari laga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Deegaanada ku dhaw dhulka buuralayda ku yaalla ayaa ah meelaha ay khatarta ku hayaan kooxaha lala dagaalamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM