Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Image

Kalabayr, Puntland – Ciidamada difaaca Puntland ayaa xalay ku guuleystay in ay qabtaan laba xubnood oo ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda argagixisada Daacish, kuwaas oo isku dayayay in ay ka baxsadaan hawlgalkii ballaarnaa ee Almiskaad, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka.

Labada eedeysane ayaa lagu qabtay buuraha ku dhaw deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumanayeen kadib markii ciidamadu kala daadiyeen xarumihii kooxda Daacish ee gobolkaasi.

Saraakiisha howlgalka Almiskaad ayaa sheegay in labada argagixiye loo gudbin doono xarunta dhexe ee taliska Boosaaso, si loo maro nidaamka baarista sharciga ah, ka hor inta aan loo gudbin maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatar ku haya shacabka iyo deganaanshaha gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM