Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Image

BOOSAASO – Ciidamada gaarka ah ee ladagaalanka argagixisada Puntland ayaa Sabtidii sameeyay horumar weyn kadib hawlgal culus oo ka dhacay godadka buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda ISIS-Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sheegay in ciidamada ay si xooggan u beegsadeen fariisimihii kooxda ISIS ee ku yaalla deegaanka, iyagoo gaadhay guulo la taaban karo. Hawlgalka ayaa galay bishii tobnaad, iyadoo ciidamada Puntland ay taageero muhiim ah ka helayaan taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah, hawlgalka ayaa ka dhacay agagaarka ceelasha Buticiso, Dharint iyo Barakallah oo ku teedsan webiga Baallade. Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay ceelasha Dharint iyo Buticiso, kuwaas oo kooxda ISIS ay u adeegsan jirtay saldhigyo weerarada uga abaabulaan gobolka.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa gacanta lagu dhigay dagaalyahan ajnabi ah oo ka tirsan kooxda ISIS, kaasoo la filayo in si adag loo wareysto. Marka laga soo tago ciidamada Mareykanka, ciidamada Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sidoo kale taageero ka siinaya Puntland dagaalka ay kula jirto kooxdan.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM ee buuraleyda Cal-Miskaad. Mareykanku wuxuu dhowr jeer qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah ISIS ee Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in tiro yar oo ISIS ah ay wali ku dhuumaaleysanayaan hareeraha webiga Baallade, balse waxay ballanqaadeen in la ciribtiri doono maalmaha soo socda. Waxaa sii kordhaya rajada ah in inta ka horreysa dhammaadka sannadka 2025, kooxda ISIS laga sifeeyo guud ahaan gobolka.

Nasiib darro, saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay hawlgalka, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidanka.

Muddo 11 bilood ah, awoodda kooxda ISIS ee gobolka ayaa si weyn hoos ugu dhacday, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya weli ma aysan dirin wax ciidan ah oo ka taageera Puntland dagaalka ay kula jirto ISIS.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in dowlad-goboleedku uu sii xoojin doono dadaallada uu ugu jiro in gabi ahaanba la ciribtiro kooxda ISIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM