Ciidamada Puntland oo hawlgal ka sameeyey Galgala

Image

October 1, 2014 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala ee dhanka koonfur galbeed magaalada Bosaso kaga beegan.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in ciidamadu goor hore oo maanta ah weerareen fariisimo kooxda Al-shabab ku lahayd deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Puntland ku guuleysteen inay la wareegaan goobihii ay weerareen, gacantana ku soo dhigeen tiro ka tirsan dagaal-yahanada Al-shabab.

Dhanka kale, warbaahinta ayaa goor dhow looga yeeray xarunta madaxtooyada, waxaana lagu wadaa in mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladdu faah faahin ka bixiyaan hawgalka maanta laga sameeyey aagga Galgala.

Arrintan iyo wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM