Ciidamada Puntland oo hawlgal ka sameeyey Galgala

Image

October 1, 2014 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala ee dhanka koonfur galbeed magaalada Bosaso kaga beegan.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in ciidamadu goor hore oo maanta ah weerareen fariisimo kooxda Al-shabab ku lahayd deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Puntland ku guuleysteen inay la wareegaan goobihii ay weerareen, gacantana ku soo dhigeen tiro ka tirsan dagaal-yahanada Al-shabab.

Dhanka kale, warbaahinta ayaa goor dhow looga yeeray xarunta madaxtooyada, waxaana lagu wadaa in mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladdu faah faahin ka bixiyaan hawgalka maanta laga sameeyey aagga Galgala.

Arrintan iyo wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM