Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Image

BOOSAASO - Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS, taasoo muujinaysa adkeysiga iyo go’aanka ciidamada Puntland ee lagu xoreynayo buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Kooxda ISIS ayaa wajahday jab xooggan tan iyo markii la bilaabay hawlgalka "Operation Lightning", kaas oo sababay dhimashada dagaalyahanno badan, qaarna la qabtay, halka kuwa kalena ay carareen kadib dagaallo culus oo ay ciidamada Puntland kula wareegeen saldhigyo badan.

Sida ay sheegeen saraakiil sare oo dhinaca ammaanka ah, ciidamada difaaca Puntland ayaa ku sii siqaya deegaano hor leh oo ka tirsan buuraha Cal-Miskaad, iyadoo hadafku yahay in la ciribtiro xubnaha ka tirsan kooxda ISIS ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah, iyagoo bartilmaameedsanaya godad la rumeysan yahay inay yihiin meelaha ugu dambeeya ee ay isku qariyeen dagaalyahanada ISIS.

War kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in howlgalada qorsheysan laga fuliyay meelaha ay ka mid yihiin Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul, Darayle, iyo Ceelka Gambarre, kuwaas oo ku yaalla dooxa Baallade, waxaana la filayaa in weerarka ugu dambeeya ee ka dhanka ah kooxda ISIS uu si dhow u bilowdo.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgaladan ay ujeedadoodu tahay in lagu carqaladeeyo dhaqdhaqaaqa kooxda ISIS, isla markaana lagu burburiyo saldhigyadooda ku yaalla gobolka Bari ee waqooyi-bari Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM