Ciidamada Puntland oo soo bandhigay ajaaniib ka tirsan ISIL

Image
Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE, Puntland - Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish.

Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM