Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Image

BOOSAASO - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa saakay weerar xooggan ku qaaday Ceelka Il-Abbal, oo ah saldhig muhiim ah oo ay ku leeyihiin ururka Daacish buuraha Calmiskaad, sida ay sheegeen saraakiil amni oo xog ogaal ah.

Ceelka Il-Abbal, oo ku yaalla togga Qansaxdheere kana ag dhow tuulooyinka xeebeedka Buruc iyo Bacaad ee degmada Boosaaso, ayaa loo arkaa mid ka mid ah talisyada ugu waaweyn ee Daacish. Goobtan oo leh difaacyo dabiici ah ayaa muhiim u ah kooxdan, maadaama ay u suurtagelinayso inay xubnaha sare iyo hogaanka u baxsadaan dhinaca badda haddii dagaalka uu adkaado.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ku-xigeenka hogaanka Daacish, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Ceelka Il-Abbal waqtigan.

Dagaalka ayaa sababay khasaarooyin, iyadoo la arkay maydadyo xubno ka tirsan Daacish oo goobta dagaalka ku daadsan, hase yeeshee weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Puntland oo ku saabsan tirada khasaaraha ama xaaladda guud ee dagaalka.

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah ee Daacish si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada kooxdan ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM