Ciidamada taraafikada Puntland oo loo qaybiyey mootooyin

Image
Image
Image
Image

June 9, 2015 (GO)- Sagaal mooto ayaa maanta lagu wareejiyey laanta nabadgelyada waddooyinka ee booliska Puntland (taraafikada).

Mootooyinkan oo ah kuwo casri ah islamarkaana qalabkoodu u dhameystiran yahay waxaa ku deeqday hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Munaasabaddii qalabkan lagu wareejinayey oo ka dhacday xarunta taliska booliska ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo ay kamid yihiin: taliyaha guud ee booliska Puntland iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in mootooyinkan loogu talo galay in lagu ilaaliyo shuruucda waddo marista islamarkaana lagula socdo dhaq dhaqaaqa gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM