Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Image
Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF oo hawlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha Qarxa.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska PMPF, shaqsigan ayaa waxa uu ka tirsan yahay "kooxaha argagixisada ah ee cadawga ummadda Soomaaliyeed". 

Hawlgalladan qorshaysan oo ciidanku si joogta ah u fuliyo markasta waxa ay xalay ku qabteen Bambooyinka Gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo sharwadihii watey hubkaasi.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in hubkan uu ujeedkiisu ahaa inay ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada Boosaaso. Ciidamada PMPF marna cadawga uma ogolaanayaan inay shacabkooda waxyeelo u gaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM