Ciidamadii gadoodsanaa oo isaga tagay Kantaroolka Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo Kantaroolka Koonfur Galbeed Garowe ku sugnaa tan iyo todobaadkii hore dhammaadkiisa ayaa maanta isaga baxay kadib wada-hadal iyo kulamo ay la qaateen wax-garadka caasumadda Puntland ku sugan.

Ciidamadan oo ka cabanaya mushahar iyo xuquuq kaga maqan dowladda ayaa ugu dambayn ogolaaday inay ku laabtaan fariisinkooda kadib markii loo soo jeediyay codsiyo kaga yimid duubabka dhaqanka iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.

Wax-garadka gobolka Nugaal ayaa muddooyinkii dambe waday sidii loo qancin lahaa ciidamada gadoodsan iyagoo la qaadanayay kulamo kala duwan saraakiishooda iyo ciidanka laftigooda.

Waxay gacanta ku hayeen Kastam wasaaradda maaliyadda Puntland ku leedahay Kantaroolkaas.

Ma jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo muddo ka aamusnayd arrintan.

Wasiirrada kasoo jeeda gobolka Nugal iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray goobta, kuwaasoo xaqiijiyay in ciidamadu ku laabteen saldhigoodii hore.

Shaqada Barta-kantarool ayaa hadda kusoo laabtay si caadi ah.

Cabashada ciidamada ayaa taagnaa tan iyo markii uu talada Puntland qabtay Cabdiwali Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd

Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.

  • Puntland

    25-07-2025

  • 01:33PM

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM