Ciidamo gadoodey oo jidgooyo ku sameeyey duleedka Bosaso

Image

BOSASO, Sept 10,2015 (GO)- Ciidamo Birmad lagu magacdarey oo dhawaan lagu soo tababrey magaalada Qardho ayaa waxay jidgooyo ku sameeyeen bar kontrool oo ku dhow halka laga galo magaalada xarunta ah ee Bosaso.

Ciidmaadaan oo dhidibada loo aasey tan iyo intii uu xilka la wareegey madaxweyne Gaas ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaarayaa sheegayaan iney ka cabanayaan mushahr la'aan lasoo gudboonaatey bilihii la soo dhaafey.

Taliyaha ciidamadaan oo kamid ah ilaalada madaxweynaha Puntland kaasoo howlo shaqo u jooga Galkacayo ayaa warsidaha Garowe Online u suurtaglin inuu la hadlo madaama taleefankiisu xiran yahay.

Wararka kale oo ka imaanaya barta Kontroolka ay ciidamadaan dhigteen afaafka hore ee laga galo magaalada Bosaso ayaa sheegaya iney xabadeeyeen gudoomiyaha degmada Bosaso oo goobta gaarey. Rasaasta lala beegsadey Gudoomiyaha KMG ah ee degmada Bosaso ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmey askari ka tirsan ilaaladiisa.

Dhinaca kale waxaa ka maqan magaalada Bosaso gudoomiyaha gobolka Bari iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada kuwasoo safar shaqo ugu maqan degaanada kale ee gobolka Barri.

Gadoodkaan ayaa ku soo beegmaya xilli asbuucyadii lasoo dhaafey xukuumada madaxweyne Gaas qaar ka tirsan ciidamada Puntland siisey mushaharaad lagu bixiyey lacago shilin Somali ah oo been abuur ah kuwasoo lagu daabacey magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM