Ciidamo lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Booliska Dowladda Puntland ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Garowe kusoo dhaweeyay cutubkii u horeeyay Booliska Puntland gaar ahaan laanta taraafikadda.

Cutubkan ayaa, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska bileyska Puntland, wuxuu tababar socday 5 bilood kusoo qaatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

S/guuto Cabdi Xasan Xuseen [Gen Cabdi Yare] ayaa sheegay in ciidankan ay door weyn ka qaadan doonan dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada booliska iyo shaqada sugida amniga.

Mr Cabdi Yarre ayaa ka dhawaajiyey in ay si gaar ah uga shaqeyn doonan hagida gadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay.

"Wuxuu Taliyuhu u mahadceliyay Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska laguna daabacay barta ay ku leeyihiin Facebook.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM