Ciidamo lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Booliska Dowladda Puntland ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Garowe kusoo dhaweeyay cutubkii u horeeyay Booliska Puntland gaar ahaan laanta taraafikadda.

Cutubkan ayaa, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska bileyska Puntland, wuxuu tababar socday 5 bilood kusoo qaatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

S/guuto Cabdi Xasan Xuseen [Gen Cabdi Yare] ayaa sheegay in ciidankan ay door weyn ka qaadan doonan dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada booliska iyo shaqada sugida amniga.

Mr Cabdi Yarre ayaa ka dhawaajiyey in ay si gaar ah uga shaqeyn doonan hagida gadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay.

"Wuxuu Taliyuhu u mahadceliyay Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska laguna daabacay barta ay ku leeyihiin Facebook.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM