Ciidamo lagu xareeyay Carmo [Dhagayso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay wadan qorshe ay dib u habayn ku sameynayaan ciidanka Boliska.

Afguduud ayaa sheegey in Carmo ay ku soo xareeyeen ciidamo laga soo qaadey gobolada Puntland kuwaasi oo loo furey tababar ku saabsan shaqadooda.

"Intaan xilka hayo waxaa jira tababar, isku badal ayaa jiraya, marna uma dul qaadanayo intaan anigu xilkaan hayo habac ku yimaada ciidamada Police Puntland"Ayuu yir Afgaduud.

Mar uu ka hadlay xuquuqda ciidamada ayuu sheegey inay wadaan tirakoob lagu sameynayo tirada ciidamada Boliska, waxaana uu sheegey in madaxweynaha ka ballan qaadey mushahaarka ciidamada marka la soo dhammeystiro tirakoobka.

Shacabka Puntland ayuu afgaduud sheegey inay ugu dul qaataan khaladaadka ka dhaca ciidamada inta laga dhameystirayo nidaamka lagu saxayo oo laga gaarsiinayo marxalad ay ku ogaan karaan macnaha ay leeyihiin Shacabku.

Taliyaha Ciidamada Boliska ayaa intaasi ku darey inay ka codsanayaan ciidamada kale ee aan boliska ahayn inaysan magaalooyinka la dhexmarinTuutaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Afgaduud loo soo magacaabey taliyaha ciidanka Boliska Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM