Ciidamo u gadoodey mushahar la'aan oo Garowe soo gaarey

Image

July 9, 2015 (GO)- Xilli badi shaqaalaha Dowladda Puntland ka cabanayaan mushahar la'aan, ayaa waxaa shalay ilaa maanta magaalada Garowe soo gaarey ciidamo gadoodsan oo kasoo baxay fariisimihii ay horay ugu sugnaayeen.

Ciidamada ugu badan ayaa kasoo guurey fariisin ay ku lahaayeen duleedka Garowe ee dhanka magaalada Laascaanood xiga. Waxaa sidoo kale soo gadoodey qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Qarxis ee ay is hor fadhiyeen ciidanka Gen. Muxiyadiin.

Askarta ayaa dalbanaya in xuquuqdooda la siiyo, maadaama aysan muddo afar bilood  mushahar qaadan.

Mas'uuliyiin dowladda ka tisran oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa ku hawlan sidii ciidamadaas loogu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan goobihii ay soo banneeyeen.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayo ayaa sheegaya in dowladdu ballan qaadey inay bixin doonto kala bar xuquuqda ka maqan shaqaalaha, inta kalena dib laga siin doono.

Cabashada shaqaalaha dowladda ee la xiriirta mushaharaadka ayaa ahayd mid soo jiitamaysey laga soo bilaabo markii ay hoggaanka Puntland la wareegtey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM