Ciidanka Jubbaland oo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabab

Image
Image

October 23, 2014 (GO)- Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay afar nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwas oo laga soo qabtay agagaarka tuulada Khaam Khaam oo waqooyiga Kismaayo kaga beegan una jirto 18km.

Taliyaha ugu sareeyo hawlgada Jubbaland ee la magac baxay xoreynta Gol iyo Gabiib Aaadan Goojaar ayaa sheegay in afarta nin marka la soo qabanayay ay ku dhuumaleysanayeen duleedka tuulada iyago ku hubeysanaa qorya fudud ee A-K47.

Sidoo kale waxaa la so bandhigay mid kamid ah meydadka Al-Shabaab oo ku geeriyooday dagaal xalay ay kooxdu kusoo qaaday tuulada Khaam-Khaam.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in ay ciidamo dheeri ah geeyeen tuulada ayadoo ay dhulka beeraha ah ee deegaanasi ay howlgalo ka socdaan.

Waa markii labad inta ay ciidanka Jubbaland gaareen Yoontooy uu dagaal ku qabsado inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Yoontooy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM