Ciidanka Jubbaland oo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabab

Image
Image

October 23, 2014 (GO)- Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay afar nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwas oo laga soo qabtay agagaarka tuulada Khaam Khaam oo waqooyiga Kismaayo kaga beegan una jirto 18km.

Taliyaha ugu sareeyo hawlgada Jubbaland ee la magac baxay xoreynta Gol iyo Gabiib Aaadan Goojaar ayaa sheegay in afarta nin marka la soo qabanayay ay ku dhuumaleysanayeen duleedka tuulada iyago ku hubeysanaa qorya fudud ee A-K47.

Sidoo kale waxaa la so bandhigay mid kamid ah meydadka Al-Shabaab oo ku geeriyooday dagaal xalay ay kooxdu kusoo qaaday tuulada Khaam-Khaam.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in ay ciidamo dheeri ah geeyeen tuulada ayadoo ay dhulka beeraha ah ee deegaanasi ay howlgalo ka socdaan.

Waa markii labad inta ay ciidanka Jubbaland gaareen Yoontooy uu dagaal ku qabsado inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Yoontooy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM