Cilmi-baaris ka hadlaysa Garoowe oo lasoo bandhigey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

May 4, 2015 (GO)- Xarunta cilmibaarista iyo ka hortagidda shaqaaqooyinka  (OBSERVATORY OF CONFLICT AND VIOLENCE PREVENTION OCVP) ayaa soo bandhigtey cilmi baaris laga sameeyay Degmada Garoowe, taasi oo ka hadlaysa heerka ay gaarsiisan yihiin adeegyada hay'adaha cadaaladda iyo amniga, si gaar ahna waxaa diiradda loo saarey shaqooyinka dowladda hoose qabato, maxkamadaha iyo booliska.

Waxaa shirkaan kasoo qeyb galay dowladda hoose, odayaasha dhaqanka, culimada, Jaamacadda Bariga Africa, guddiyada xaafadaha Garowe, iyo xubno ka socday dhalinyarada iyo haweenka.

Madaxa hay’adda OCVP Puntland, Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi ayaa sheegay in ujeeddada shirkani ahayd in hay’addu soo bandhigto miirihii cilmibarista u soo baxdey taasi oo ay sameynayeen intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015.

Cilmi barista ayuu sheegey inay ka qayb qaadatey sidii dhalinyarada looga wacyi-galin lahaa arrimaha amni darro ee mararka qaar ku dhacaana, waxaana uu bulshada ugu baaqey inay ka qayb qaataan sidii arinkaasi wacyi galin looga sameyn lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM